Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa sheegay inuu bartilmaameedsanayo sidii ismaamulka Garissa loogu diiwaangelin lahaa 35,000 oo codbixiyaal hor leh ah.
Saraakiisha IEBC ayaa cid kasta oo haysato aqoonsiga qaran welina aan isku diiwaangelin ka qayb qaadashada codeynta ugu baaqay inay fursaddan ka faa’iidaysato.
Waxay howlwadeenada guddiga sheegeen in aynan marnaba oggolaan doonin in iyadoo dano gaar ah laga leeyahay codbixiyaasha laga wareejiyo goobihii ay horay iskaga diiwaageliyeen.
Tani ayaa qayb ka ah qorshaha guddiga IEBC uu laga billaabo bisha Tobnaad ee sanadkan ku diiwaangelinayo ilaa 6 milyan oo qof si ay uga qayb galaan doorashada guud ee sanadka 2022-ka