Hooyo wiilkeyda u dishay 100 shillin oo keliya ka dib markii uu lumiyay

0
781

Saraakiisha booliiska ee ee ismaamulka Kitui ayaa xabsiga u taxaabay haweeney ku jirta da’da dhexdhexaadka oo lagu eedeeyay dilka wiilkeyda 10 sano jir ah.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in hooyada ay wiilkeyga uga takhalustay ka dib markii uu lumiya 100 shillin oo lacagta dalka ah.
Dhacadadaan ayaa maanta laga soo tabiyay agagaarka Kaveta ee bartamaha magaalada Kitui.
Waxaa ay dilka wiilkeyda u adeegsatay bakoorad ka hor inta aysan seef u qaadan.
Wilka yar ayay u dhiibtay lacagta sii uu bixiyo deyn iyada lagu lahaa balse uu dib ugu laabtay guriga isagoo sheegay inuu lumiyay lacagtii.
Guddoomiyaha xaafadda Kaveta Jemmy Kalua ayaa xaqiijiyay dhacdadan naxdinta leh, isagoo sheegay in la bilaabay baaritaanno la xiriira arrintan.
Meydka ayaa loo qaaday goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka weyn ee dowlad deegaanka Kitui.