Laamaha amniga oo lagu eedeeyay inay ku guuldaraysteen sugidda amniga Laikipia

0
524

Laamaha ammaanka ee dalka ayaa dhaleeceyn xooggan loo jeediyay iyagoona lagu eedeeyay inay ku guuldareysatay soo afjaridda burcadda dhaca xoolaha iyo weerarrada ka gaysata ismaamulka Laikipia.
Dadka deggan tuulada Wangwaci oo bilaabay inay dib ugu laabtaan guryahooda ayaa hadda naftooda u baqaya iyadoo ay sii kordhayaan weerarrada ay gaysanayaan burcadda hubaysan ee dowlad deegaankaasi.
Arabacadii la soo dhaafay ayay ahayd markii nin 64 sano jir ah lagu dilay Laikipia taas oo walaac hor leh abuurtay.
Galbeedka Laikipia waxaa ku sugan ciidamo dhowr ah oo ay ku jiraan saraakiisaha difaaca dalka ee KDF-ta kuwaas oo ka qayb qaadanaya sugidda amniga aagaga ay burcadda dhibaatada ka gaystaan.
Dowladda ayaa dhawaan wacad ku martay inay soo afjari doonto dadka dhibaatada ku haya shacabka Laikipia.