Qiyaastii 2.1 milyan qof oo wajahaya cunno yari ba’an ee deegaannada oomanaha

0
464

Qiyaastii 2.1 milyan oo qof oo ku nool deegannada oomanaha ee loo yaqaano ASALs ee waqooyiga dalka ayaa wajahaya cunno yari sida ku cad warbixin ay soo saartay hay’aadda qaabilsan badqabka dhanka quudka iyo nafaqada ee IPC.
Waxaa arrinkan loo sababeeyay roobabka oo xilligii la filyay uunan da’in, wax soo saarka beeraha oo hooseeya iyo qiimaha cuntada oo sarreeya.
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in intii u dhexeysay bilihii Toddobaad iyo Tobnaad ee sanadkan, ilaa 14 boqolkiiba dadweynha ay wajaheen cunno yari guud ahaan dalka.
Waxaa dhanka kale la diiwaangelisay koror dhan 34 boqolkiiba, iyadoo in ka badan 700,000 oo qof ay wajaheen marxalad degdeg ah marka la barbar dhigo isla muddadan sanadkii hore ee 2020-ka.
Dadka ku nool dowlad deegannada kala ah Baringo, Garissa, Isiolo, Mandera, Marsabit, Tana River, Turkana iyo Wajeer ayaa loo aqoonsaday inay yihiin kuwa ugu daran ee saameysay cunno yarida.
Ismaamulladan oo ay dhibaatadu saameysey ayaa waxay ku tiirsan yihiin dhaqashada xoolaha islamarkaana ishooda ugu weyn ay tahay.
Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in xaaladda sugnaanta cunnada ay ka sii dari karto iyadoo ay kordhi karto tirada dadka la kulmaya cunno -yarida ba’an ee ka jirta dowlad deeegannada oomanaha ee ASALs.
Tani ayaa kusoo aadeyso iyadoo ugu yaraan 12 dowlad deegaan ee hadda laga dareemayaa saamaynta abaarta iyada oo ay hay’adda Laanqayrta Cas ee Kenya ka digtay in 23 ismaamul ay abaarta waxyeelo u geysan karto.