Tirada dadkii ku dhintay qaraxii maanta ee Muqdisho oo la shaaciyay

0
550

ku dhawaad 10 ruux, ayaa ku dhimatay Qarax loo adeegsadey gaari laga soo buuxiyey walxa qarxa oo maanta ah ka dhacay agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan isgoyska Ceelgaabta ee caasimadda Muqdisho.
Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay sidoo kale in ay ku dhawaacmeen 9 ruux, kuwaasoo hadda xaaladooda Caafimaad lagula tacalaayo Isbitaallada Magaalada Muqdisho.
Dadka dhintay ayaa isugu jiray Saraakiil dowladeed iyo dad shacab ah oo goobta marayay.
Laamaha Ammaanka ayaa sheegay in laga yaabo in khasaare ay sii kordhaan maadaama ay jiraan dhaawacyo badan oo la gaarsiiyay Isbitaallada.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waxayna intaa ku dartay in bartilmaameedku ahaa mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, balse kooxdu ma aanay sheegin tirada dadka ay dileen ama dhaawaceen.