Shirkada Safaricom qaybteeda Samafalka Safaricom Foundation ayaa mashariic kala duwan ka fulisay afar iskool oo ku yaalaan ismamulka Mandera.
Masharicdan waxa ku kacday 9.2 Milyan oo shilinka dalka ah.
Iskoolada ka fa’ideysteen waxa ay ka mid ah; Dugsiga sare gabadhaha ee Khalalio, Dugsiga sare wiilasha ee Arabia, Dugsiga hoose dhexe ee Ashabito , Dugsiga hoose dhexe ee Darika.
Dugsiga hoose dhexe ee Ashabito iyo Dugsiga hoose dhexe ee Darika ayaa waxay heleen qalab ka caawinaya waxbarashada iyo howlaha iskoolka.
Arabia Boys iyo Darika Primary ayaa helay mashruuc biyo ah oo lagu xiray iskooladas si loo helo biyo nadiif ah iyo fayadhoowr wanagsan.
Waakan maamula ku xigeenka oo u mahanqaya shirkada.
Dugsiga saree ee gabdhaha ee Khalalio ayaa ka faa’idaystay qayb jiif oo cusub taasi oo la filayo inay sare u qaado seexashada ardada iyo tirade ardada ee isolkas.
Halima Mumin, oo ka mid ah ardayda iskoolka.
Dugsiga hoose dhexe ee Ashabito wuxuu helay fasal dheeraad ah si loo yareeyo ciriiriga ardada. Waakan Maamulaha iskoolka.
Lanata Samafalka ee Safaricom Foundation iyada oo raaceysa tiirkeeda waxbarashada ayaa maalgalisay xaruumaha waxbarashada si loo helo deegaan ku habboon waxbarashada aradana u helaan waxbarasho tayeysan.