Qaramada midoobay oo soo jeedisay in wax laga qabto xaaladda Myanmar

0
426

Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa soo jeedisay in wax laga qabto xaaladda ka taagan dalka Myanmar si looga hortago dagaal sokeeye.
Myanmar ayaa qalalaase ku jirtay tan iyo markii ay ciidamada militariga ay qaab afgambi ah ku la wareegeen awoodda dalkaasi 1-dii bishii Labad ee sanadkan taaso soo afjartay 10 sano oo dadka reer Myanmar ay lahaayeen dowlad ku meel gaar ah
Michelle Bachelet, oo ah madaxda xuquuqul aadanaha ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa ka digtay musiibo ka dhan ah xuquuqda aadanaha taa oo ka imaan karto xukunka militeri ee ka jira dalka Myanmar.
Waxay beesha caalamka ku boorrisay in ay wax badan ka qabato sidii looga hor taggi lahaa in colaadda dalkaasi ay ka sii darto.
Bayaan ay soo saartay shalay ayay ku sheegtay in beesha caalamku ay laba laabto dadaallada ku aaddan soo -celinta dimuqraadiyadda iyo ka -hortagga iska hor imaadyada ka jira dalkaasi.
In ka badan 1,120 qof ayaa la dilay kumannaan qof oo kale aya la xiray tan iyo markii uu afgambiga dalkaasi ka dhacay sida ay sheegtay Qaramada Midoobay,
Dilalka ayaa dhacay intii uu socday hawlgalkii ay ciidamada militeriga ah wadeen ee looga falcelinayay shaqo joojin iyo mudaaharaadyo ay sameeyeen kuwa ka soo horjeeda in milatarigu xukunka uu ku soo noqdo.
Sidoo kale kumannaan kun oo qof oo ka mid ah shacabka Myanmar ayaa ka qaxay collada ka jirta dalkaasi ee u dhaxeyso miltariga iyo dadka ka soo horjeedo awoodda miltari.