Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa jaraya raashinkii la siin jiray 440,000 oo qaxooti ku nool dalkani Kenya, sababo la xiriira dhaqaale yari aad u daran.
Qoraal ay soo saartay ayay hay’aada WFP waxaa ay kaga digtay inay dhici karto in lagu qasbo inay joojiso gargaarka dhammaadka sannadkan haddii aan dhaqaallo cusub loo helin si si degdeg ah.
Agaasimaha WFP ee dalkani Kenya Lauren Landis ayaa sheegtay inay si degdeg ah u raadinayaan 4.5 bilyan oo shilin si si buuxda dib loogu soo celiyo raashinkii qoxootiga Dhadhaab, Kakuma iyo Kalobeyei lixda bilood ee soo socota.
“Goynta kaalmada cuntada ee qoysaska aadka u nugul waa go’aan qalbi jabinaya in la sameeyo-si ka sii daran iyada oo xaalad degdeg ah looga dhawaaqay abaarta qaran ee dalka oo ay dawladdu ku dhawaaqday dhawaan. Heerarka maaliyadeed ee hooseeya ayaa WFP sidaasi ku qasbaya. – tani waa xalka ugu dambeeya ee aan haysano, ”ayay tiri Agaasimaha WFP ee dalkani Kenya Lauren Landis.
WFP ma aysan awoodin inay siiso raashin buuxa qaxootiga tan iyo 2018-kii, waxaana lagu qasbay inay jarto raashinkii ahaa 80 ilaa 60 boqolkiiba bishii Oktoobar 2020.