Hay’adda cunnada adduunta ee WFP ayaa maanta shaacisay qorsho lagu sii yareynaya qoondada cuntada ee la siiyo qaxootiga ku nool gudaha Kenya.
Agaasimaha WFP ee dalka Lauren Landis ayaa qaadashada go’aankan u aaneysay dhaqaale yari.
Waxay sheegtay in ujeedada laga leeyahay ay tahay in kheyraadka yar ee la hayo la isticmaalo ilaa dhammaadka sanadkan.
Mrs. Lauren ayaa intaa ku dartay in 440,000 oo ah qaxooti ku nool Kenya laga billaabo bisha Tobnaad ee sanadkan ay heli doonaan keliya boqolkiiba 52 ee cuntadii horay loo siin jiray.
Waxay carrabka ku adkeysay in xilligan oo ay abaaro taagan yihiin in cuntadada laga sii dhimo qoysas liita ay tahay arrin qalbi jab ah balse aynan jirin waddo kale oo hay’adda u furan.
Landis ayaa sidoo kale ka digtay in dantu ay ku qasbi karto dhammaadka sanadkan 2021-ka ay gebi ahaan joojiyaan taageerada ay u fidiyaan qaxootiga haddii aan la helin dhaqaalaha loo baahan yahay.
Waxay deeq bixiyaasha ka codsatay inay kordhiyaan lacagaha ay hay’adda WFP ugu deeqaan si xaalado adag oo dheeraad ah looga hor tago.
Agaasimaha WFP ee Kenya waxay sheegtay in tan iyo sanadkii 2018-kii ay ku adkeyd inay qaxootiga siiyaan qoondada dhameystiran ee cuntada loogu tala galay.
Bishii Tobnaad ee sanadkii hore ayay dantu keentay in WFP ay boqolkiiba 80 ilaa 60 dhinto cuntada la siinayay qaxootiga.
Hay’adda ayaa u baahan 40.4 milyan oo doolar si cunno joogto ah oo ku filan ay ku helaan qaxootiga ku jiro xeryaha Dadaab, Kakuma iyo Kalobeyei muddo lix bilood ah.
23.9 milyan oo doolar oo dhaqaalahan ka mid ah ayaa qaxootiga loo siinayaa qaab lacago caddaan ah halka 14.3 milyan oo doolar lagu iibinayo cunno.
1.2 milyan oo doolar waxaa si gaar ah loogu quudin doonaa carruurta da’doodu ka hooseyso 5 sano , hooyooyinka uurka ah iyo kuwa carruurta nuujinaya si looga hor tago nafaqo darro.
Waxaa qorshaha WFP qayb ka ah in hal milyan oo doolar lagu quudiyo ardayda wax ka dhigta dhammaan xeryaha qaxootiga ee Kenya.