Wasiiru dowlaha madaxtooyada dowlad goboleedka Galmudug Cumar Shido ayaa xaqiijiyay inay fashilantay waan-waantii madaxweynaha Galmudug uu maalmihi la soo dhaafay ka dhex waday Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble oo khilaaf weyni uu soo kala dhexgalay.
“Sidaad lawada socoteen Madaxweyne Galmudug Axmad Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo maalmahan ah ku howlanaa xallinta khilaafka ka dhashay kiiskii Ikraan Tahliil, oo sababay muran aad u balaaran, oo u dhaxeeyo Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble.
Dadaal badan oo uu bixiyay Madaxweynaha Galmudug oo marxalado badan soo maray iyadoo xilliyada qaar ay shirarku qaadanayeen ku dhawaad 18 saac, ayaa gunaanadkii wuxuu caawa kusoo dhamaaday fashil, iyadoo Rw Rooble garabkiisa ay muujiyeen biseyl badan halka dhinaca kalena lagala kulmay caqabad aad u waaweyn oo soo dadajisay inuu wada hadalladii socday caawa ay istaagaan” ayuu ku yiri qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook wasiirka madaxtooyada Galmudug Cumar Shido.
Xubno ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha Galmudug Axmad Cabdi Kaariye Qoorqoor, madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagreen iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamad Mursal ayaa maalmihii la soo dhaafay ku howlanaa sidii loo dhammeyn lahaa khilaafka Farmaajo iyo Rooble.
Mareykanka, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay ayaa iyaguna si kala gooni-gooni ah madaxda dowladda ugu soo jeediyay inay xalliyaan qilaafka, loonaa soo jeedso geeddi socodka doorashada.