Lix sarkaal oo boolis ah kuwaasoo lagu eedeyay inay labo wiil ku dileen ismaamulka Embu ayaa sheegaya in aynan jirin sabab loogu diidi karo damaanad.
Qareenada matalaya eedeysanayaasha oo ay hor kacayaan Danstan Omari iyo Cliff Ombeta ayaa ku doodaya in tuhmanayaasha aan wax baaritaan ah lagu sameyn balse keliya loo xiray cadaadis dowladda kaga yimid shacabka.
Hasa ahaate waaxda dacwad soo oogidda ayaa ka soo horjeesatay dooddan.
Saraakiisha dacwad oo gidda ayaa sheegay in saraakiisha booliska ee la eedeyay ay weli awood u leeyihiin inay farageliyaan marqaatida sidaas awgeedna aynan tallaabo fudud ahayn in damaanad lagu siidaayo.
Maxkamadda ayaa la filayaa inay koowda bisha Tobnaad ee sanadkan go’aan ka gaarto codsi racfaan ah oo ay gudbiyeen eedeysanayaasha.