Roobab culus iyo daadad ka dhashay oo ku dhuftay Suudaan

0
483

Wararka naga soo gaaraya dalka Suudaan ayaa sheegaya in 13 gobol ay saameeyeen fatahaado ka dhashay roobab culus oo da’ay.
Waxay dhibaato soo gaartay 288,000 oo qof oo kala ah dadka deegaanka iyo qaxooti ku jiray xero kuwaasoo dhalasho ahaan ka soo jeedo dalka Suudaanta Koonfureed sida ay shaacisay qaramada midoobay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in musiibadan ay sidoo kale ka jirto Suudaanta Koonfureed oo dad gaaraya ilaa 426,000 ay ka barakaceen guryahoodi kuwaas oo u baahan gurmad dag dag ah sida ay shaaciyeen hay’adaha gargaarka ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa.
Kumanaan qaxooti ah ayaa laga daad gureeyay goobihi ay daganayeen ka dib marki ay guryahoodi dhulka la simeen daadadku waxaana loo wareejiyay xeryo qaxooti oo kale.
Ibraahim Maxamad oo ah sarkaal ka tirsan hay’adda qaxootiga ee Suudaan waxaa uu sheegay in caqabadda ugu wayn ee wakhti xaadirkan ay wajahayaan ay tahay sidii ay ku heli lahaayeen deegaan cusb oo la dajiyo dadka qaxootiga ah.
Dalka sudaan waxaa ka da’a inta u dhaxaysa bisha lixaad ilaa tobnaad roobab culus oo saamayn ba’an ku yeesha nolosha dadka, tabcashada beeraha iyo dhaqaalaha guud ee dalkaasi.