Maxkamada Ciidamada Soomaaliya oo Xukun ku riday rag Ajaanib ah

0
451

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukuno kala duwan ku riday laba Nin oo Ajaanib ah oo lagu helay inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab, kuwaa oo Maxkamadeyntooda ay soo martay heerar kala duwan.
Labada Nin oo Magacyadooda lagu kala sheegay Darren Anthony Byrness oo u dhashay dalka Ingiriiska iyo Axmed Mustaqiim Bin Cabdal Xamiid oo u dhashay dalka Maleysia ayaa Maxkamadda Ciidamadu ku heshay inay muddo la Shaqeeynayeen Al-Shabaab, waxayna dalka Soomaaliya tageen Sanadihii 2009 iyo 2010.
Maxkamadda Ciidamada ayaa sheegtay in Darren Anthony Byrness uu la soo Shaqeeyay madax badan oo ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kale uu kamid ahaa rag qorsheeyay weerar ay ka fuliyeen faransiiska, sidoo kalena uu ka qeyb qaatay dagaalo ka dhacay gudaha Soomaaliya.
Dhinaca kale Maxkamadda Ciidamada ayaa sheegtay in Axmed Mustaqiim oo u dhashay dalka Maleysia Al-Shabaab dhexdiisana looga yaqaano Al-Ansaar uu sanadkii 2009-kii ku biiray Al-Shabaab, isla markaana uu ka qeyb qaatay dagaalkii Gobolka Galgaduud ee ay Al-Shabaab kula galeen Ahlusunna Wal-Jamaaca.
Sidoo kale Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Darren Anthony Byrness & Axmed Mustaqiim Bin Cabdal Xamiid ay isaga tageen Al-Shabaab, iyagoo doonayay inay ku biiraan kooxda Daacish, balse safar ay dhinaca badda ku tageen dalka Yemen laga soo celiyay, ugu dambeyna 18-kii Apriil ee sanadkii 2019-kii ay gacanta ku dhigeen Ciidamada amaanka maamulka Puntland oo kusoo wareejiyay dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in labadaan nin lagu xukumay min 15 sano oo Xabsi ciidan ah, isla markaana ay heystaan muddo 30 Cisho ah oo ay racfaan ka qaadan karaan xukunka.
Dhawaan dowladda Maleysia ayaa shaacisay inay la socoto xariga Axmed Mustaqiim Bin Cabdal Xamiid oo lagu helay inuu la Shaqeeynayay Al-Shabaab, isla markaana ay raadinayaan inuu helo xukun cadaalad ah.