DHAGEYSO:Wasaarada warfaafinta Soomaaliya oo soo dhaweeyay in 30 sano ka dib tiyaatarka qaranka Film lagu soo bandhigay

0
367

Wasiirka wasaarada warfaafinta dowlada Fedraalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa bogaadiyay in 30 sano kadib Xalay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed lagu daah furnay filimkii ugu horeeyay ee lagu soo bandhigo golaha murtida iyo wacyigelinta qaranka kaasoo ay sameeyeen dhalinyaro Soomaaliyeed.
Cismaan Abuukar Dubbe wasiirka wasarada warfaafinta,dhaqanka iyo Dalxiisa Soomaaliya ayaa sheegay inay markasta ku dalaalayaan sidii uu Golaha murtida iyo wacyigalinta Soomaaliyeed u noqon lahaa mid ay dhalinyarada Soomaaliyeed wax badan ka faa’iidaan.