Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in beesha caalamka ay si siman u qaybsato dawooyinka tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID19.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in saameynta cudurka ee dhanka isku socodka , dalxiiska iyo maalgashiga ay sababtay culeys dhaqaale oo aan horay loo arag ku dhawaad hal qarni.
Madaxweynaha ayaa xusay in Kenya ay si degdeg oo adag u xakameysay faafidda caabuqa corona sidaas awgeedna aynan badnayn tirada dadka uu galaaftay marka loo barbardhigo qaar ka mid ah dalalka dunida.
Waxaa uu intaa ku daray in hadda la joogo xilligii dib loo noleyn lahaa dhaqaalaha sidaas awgeedna dowladda dhexe ay qaaday tallaabooyin lagu garab istaagaya waaxyaha kala duwan ee wax soo saarka.
Dhanka kale madaxweynaha ayaa tilmaamay in maamulka Jubilee uu ku guulaystay in boqolkiiba 50 hoos loo dhigo tirada qoysaska ee wajahaya cunno yarida.
Mr. Kenyatta ayaa sidoo kale sheegay in sanadka soo socdo boqolkiiba 27 la yareyn doono kiisaska nafaqa darrada ee carruurta ay da’doodu ka hooseyso 5 sano halka boqolkiiba 48 sare loo qaadaya kaalinta wax soo saarka beeraha ee kobcinta dhaqaalaha wadanka.