Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Baarlamaanka Hirshabeelle oo aqbalay codsi uu u gudbiyay madaxweynaha maamulkaasi

Baarlamaanka Hirshabeelle oo aqbalay codsi uu u gudbiyay madaxweynaha maamulkaasi

Kulan aan caadi aheyn oo uu yeeshay Baarlamaanka Maamul Goboleedka Hirshabelle kana qabsoomay Magaalada Jowhar ayaa waxaa hortegay Madaxweynaha Dowlad Goboledka Hirshabelle Cali Guudlawe Xuseen.
Kulanka oo uu shir Gudoominayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas Dr. Cabdixakim Luqmaan Xaaji Muxumed oo uu wehlinayay Guddoomiye kuxigeenka labaad Mahad Xassan Cusman ayaa Ajendahiihu ahaa ka jawaabida Codsiga madaxweynaha ee Muddo kordhinta dhismaha Xukuumadda.
Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa Xildhibaanada u faah faahiyey sida ay muhiim u tahay in Madaxweynaha lasiiyo Waqti kufilan si ay ugu sahlanaato soo dhisida xukuumad iyo Gole Wasiiro oo tayo leh.
Intii uu kulanka socday ayaa Madaxweyne Cali Guudlaawe uu Xildhibaanada ka codsaday iney u beeqaamiyaan Xiliga soo Dhisida Xukuumadda si Baarlamanka uu u horkeeno Xukuumad ka jawaabeysa Baahiyaha shacabka Dowlad Goboleedka Hirshabelle kana turjumeysa Hagaajinta Dowladnimada iyo Hufnaanta Maamulka, sida lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Baarlamaanka Hir-Shabeelle.
Ugu Dambeyn xildhibaanada ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyey Codsiga Madaxweynaha waxaa ogolaatay 54 mudane majirin wax diiday ama ka aamusay.
Gudoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle Dr. Cabdixakim Luqmaan xaaji Muxumed ayaa sheegay in codeynta ay ansax tahay, isla markaana Madaxweynaha laga sugayo in waqtiga loo qabtay uu kusoo magacaabo Golihiisa Wasiirada.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa tan iyo doorashadiisii waxaa hareeyay caqabado uu kusoo Magacaabi waayay Xukuumadiisa, kuwaas oo ay ugu waweyn yihiin Jabhadda uu hoggaamiyo Janeraal Xuud oo dhowr jeer sabab u noqotay in uu ka baaqdo safar uu ku tegi lahaa Magaalada Beledweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments