Machadka horumarinta manaahijta dalka ee (KICD) ayaa waalidiinta u xaqiijiyay inuu tixgelin doono tabashooyinka ay qabaan ee la xiriira nidaamka cusub ee tacliinta kaaso loo yaqaano CBC.
Toddobaadyadii ugu dambeeyay waxaa uu walaac xooggan ka taagnaa dhaqangelinta hannaankan oo ay dowladda dhexe ku adkaysanayso in aan la joojin doonin.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo maxkamadda loo gudbiyay dacwad looga soo horjeedo hirgelinta CBC.
Hasa ahaate madaxa fulinta ee machadka KICD Prof. Charles Ong’ondo ayaa sheegay inay ku baraarugsan yihiin sida aan looga maarmin dib u eegis.
Waxaa uu intaa ku daray in hadda ay ku howlan yihiin dib u eegista casharrada fasallada ugu horreeya ee isticmaalaya manhajkan iyadoo saraakiisha qaabilsan xaqiijinta tayada ay dadaal badan sameynayaan.
Qaar ka mid ah waalidiinta dalka ayaa dareensan in nidaamkan si degdeg ah loo dhaqangeliyay iyadoo aan si buuxda looga qayb gelin dhammaan dhinacyada daneeya arrimaha waxbarashada.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa xusay in aynan cidna ka raali gelin doonin geeddisocodka nidaamkan .
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ciddii aan ku qanacsanayn in loo gudbo hannaanka 2-6-6-3 ee uu sheegay in ardaydu waxyaabo badan ka faa’iidayaan ay dacwad gayn karto maxkamadda.