Turkiga oo sheegay in Mareykanka uu ku guuldareystay caawinta qaxootiga Afgaanistaan

0
412

Madaxweynaha wadanka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Maraykanka wuxuu ugu baaqay inuu caawiyo qaxooyiga dalka Afgaanistan.
Turkigu wuxuu martigeliyaa qaxootiga ugu badan adduunka – ilaa 4 milyan, oo u badan Siiriya – wuxuuna ka digay madaxweyne Erdugan inaysan aqbali doonin wax intaas ka badan oo ka yimaada dalka Afghanistan.
“Hadda, Mareykanku wuxuu ku guul darreystay inuu guto waajibaadkiisa. Waxaan haynaa in ka badan 300,000 oo qaxooti Afgaanistaan ah mana awoodi doonno inaan mar dambe ku soo dhaweyno qaxootiga Afgaanistaan ee Turkiga, ”ayuu yiri Erdogan xili uu waraysi siinayay warbaahinta CBS .