Guddoomiyihii hore ee Nairobi oo maanta tagay DCI

0
816

Barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi Mike Sonko ayaa maanta iska xaadiriyay xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii DCI-da ay ka dalbatay inuu isa soo xaadiriyo si uu u qoro farriin ku aaddan eedeymo uu u jeediyay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Karanja Kibicho.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii Sonko uu sheegay inuu sanadkii 2017-kii jiray qorsho ay isaga iyo Kibicho qayb ka ahayeen oo dhibaatooyin lagu gaystay.
Xoghayaha oo eedeyntaas iska fogeeyay ayaa dhankiisa sheegay in Sonko uu ku howlan yahay dadaal uu ugu jiro inuu dhaawaco sumcadda mas’uulkan.
Mike Sonko ayaa dhankiisa sheegay inuu hayo caddeymo wax ku ool ah oo uu u cuskan karo eedeymaha ka dhanka ah Karanja Kibicho diyaarna u yahay in uu soo bandhigo hadii laga dalbado.