Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliland ayaa sheegtay in wax shaqo ah ku laheyn howlaha doorashooyinka ee Jamuhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, kuwaas oo ka socda gobolada dalkaasi.
Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda rrimaha dibadda ee Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in ay ku wargelinayaan Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo guud ahaan Caalamka in Somaliland tahay dowlad madax bannaan oo aan wax shaqo ah ku laheyn howlaha maamulka doorashooyinka ee Soomaaliya.
Sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa sheegtay in ay uga digeeyso Maamulka iyo Siyaasiyiinta Soomaaliya sheegashada ay ku marin habaabinayaan caalamka sida hadalka loo dhigay.
Warkaan ayaa ku soo aadayaa xilli shalay la soo saaray liiska musharixiinta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi Somaliland.