DHAGEYSO:Guddoomiyaha Marsabit oo cambaareeyay dil ka dhacay Saku

0
453

Barasaabka ismaamulka Marsabit Maxamuud Cali ayaa si kulul u cambaareeyay dil dhawaan labo qof loogu gaystay deegaanka Saku.
Waxaa uu sheegay in falkan uu yahay mid laga xumaado maadaama labadii bilood ee ugu dambeeyay dowlad deegaankaasi ay xasilooni buuxda ka jirtay.
Guddoomiyaha ayaa carrabka ku adkeeyay in kulan ay madaxweyne Uhuru Kenyatta la yeesheen ka dib ay xaaladdu degganayd .
Sidoo kale guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC ayuu ku ammaanay dadaalka uu isugu keenaya bulshooyinka ku wada nool ee Marsabit si sare loogu qaado wadajirka.

Dhanka kale guddoomiyaha guddiga NCIC Samuel Kobia ayaa waaxda damabi baarista ee DCI-da ugu baaqay inay gacanta ku soo dhigto shakhsiyaadka dilalka gaystay.
Hoggaamiyaasha siyaasadeed iyo dadweynaha Marsabit ayuu Kobia kula taliyay inay ku dadalaan nabadgalyada oo ayna iska kaashadaan ka hor tagga falalka wax u dhimaya xasiloonida.