Golaha wakiillada ee Maraykanka ayaa lagu wadaa inay ansaxiyaan miisaaniyad dhan 6.3 bilyan oo doolar taasoo loo adeegsan doono in dib u dejin loo sameeyo qaxootiga wadanka Afghanistan.
Miisaaniyaddan ayaa qayb ka ah 28.6 bilyan oo doolar oo loogu talagalay howlaha gurmadka.
Arrintan ayaa lagu tilmaamay falcelin degdeg ah oo ay xukuumadda Washington kula tacaalayso xaaladaha nololeed ee dalkaasi ka jiray tan iyo markii kooxda Taalibaan ay la wareegtay hoggaanka Afghanistan.
Maraykanka ayaa ballanqaaday inuu hooy siin doono qaxootiga Afghanistan ka dib markii bishii hore uu soo afjaray daadgureyn uu ka waday caasimadda wadankaasi ee Kabul.