Dacwad looga soo horjeedo kororka qiimaha shidaalka oo maxkamadda la geeyay

0
420

Labo qof oo Kenyaan ah ayaa maxkamadda geeyay dacwad ay uga soo horjeedaan sare u kaca qiimaha shidaalka ee gudaha dalka iyagoo sheegay in go’aankan la qaatay iyadoo aan la tixgalin rabitaanka muwaadiniinta dalka.
Labadan qof oo lagu kala magacaabo Isaiah Odando iyo Wilson Yata ayaa ka dalbaday maamulka canshuuraha dalka ee KRA, maamulka qaabilsan maareynta tamarta iyo batroolka EPRA,wasiirka tamarta iyo golaha qaran ee baarlamaanka dalka inay ka jawaabaan sababta keentay kororka qiimaha shidaalka.
Shakhsiyaadkan ayaa maxkamadda ka doonaya inay ku dhawaaqdo amar burinaya go’aanka guddoomiyaha guud ee KRA ee ah in la isku dheelitiro sicirka canshuuraha iyo badeecadaha batroolka laga billaabo 1-da bisha Oktoobar, 2021 taasoo ku xiran ogolaansho laga helo iyo wasiirka batroolka iyo wasaaradda maaliyadda.
Sida laga soo xigtay dadka dacwaddan gudbiyay, dhinacyadan ayaa iska indhatiray inay dadweynaha ka qayb galiyaan ka hor inta aysan qaadan go’aanka qiimaha shidaalka lagu kordhiyay.
Waxay sidoo kale ku andacoonayaan in kenyaanka lagu soo rogay canshuur culus oo dhanka shidaalka ah ayagoo horay u wajahayay culaysyo dhaqaale.
Sida uu sheegay qareenka labadaan qof matalaya oo lagu magacaabo Kenneth Omondi, go’aanka lagu kordhiyay qiimaha shidaalka ayaa kor u qaaday qiimaha maciishadda noocyadeeda kala duwan.