Xubno ka tirsan ciidanka booliska dalka oo lagu soo oogay dacwad dil ah

0
340

5 sarkaal oo boolis ah ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta inay dil u geysteen eedeysane ku jiray saldhigga ciidanka booliska ee deegaanka Changamwe, ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta
Saraakiishan oo magacyadooda lagu kala sheegay; Khaliif Cabdullahi Sigat, James Muli Koti, Joseph Odhiambo Sirawa, Edward Kongo Onchonga iyo Nelson Nkanae ayaa iska beeniyay danbiga lagu soo oogay.
Qofka dhintay oo lagu magacaabo Caleb Ospino Otieno ayaa la xiray sabtidii oo ay taarikhdu ahayd 18-kii bishan kadib markii looga shakiyay inuu watay khamri sharci darro ah.
Abaare 9-kii habeenimo isla maalinkaas ayaa eedaysanaha xabsiga laga saaray waxaana la geeyay isbitaalka guud ee gobolka xeebta halkaasoo uu ku geeriyooday.
Maxkamadda ayaa amartay in raggan xabsiga lagu sii hayo inta laga dhagaysanayo dacwadooda oo loo asteeyay 6-da ilaa 7-da bisha 12-aad ee sanadkan.
Xafiiska Agaasimaha guud ee waaxda dacwad soo oogida dalka ayaa dib u eegaya macluumaadka maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliska ee IPOA.