Ra’iisul wasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa shaaciyay taariikhda ay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ay soo saarayso xukunka dacwaddii badda ee Soomaaliya iyo Kenya.
Qoraal kooban U soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa ku baahiyay warkan la xirriira dacwadda badda.
Mahdi Guuleed ayaa qoraalkiisa sidaan u dhigay “Alxamdulillaah, Waxaa farxad ii ah in aan Ummadda Soomaaliyeed la wadaago in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ay xukunka dacwaddii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya soo saari doonto 12ka Oktober, 2021.”
Home Wararka Soomaaliya Rw ku xigeenka Soomaaliya oo shaaciyay xilliga lagu dhawaaqi doono xukunka dacwaddii...