Ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa lagu soo warramayaa inay gacanta ku dhigeen dhowr qof oo u dhashay falastiin.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ugu yaraan 100 qof oo falastiiniyiin ah la xiray.
Tani ayaa imaanaysa labo toddobaad un ka dib markii ay xabsiga Gilboa ee ku yaalla waqooyiga Israa’iil ay ka baxsadeen ilaa 6 maxaabiis oo labadii ugu dambeeyay shalay la soo qabtay.