Waxaa lagu soo warramayaa inuu baaqday shir wadatashi ah oo madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Soomaaliya ay u ballansanaayeen inuu ka dhaco magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland.
Shirka ayuu qorshuhu ahaa inuu qabsoomo berry.
Shirkaasi ayay madaxweyneyaasha maamul goboleedyadu kaga arrinsan lahaayeen dardargelinta qabsoomiddda doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladda dalka Soomaaliya , kaddib khilaaf xooggan oo soo kala dhex galay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaarahiisa.
Ilo xog ogaal ah oo ku dhow madaxtooyada Puntland ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in shirkaasi uu baaqday ka dib markii madaxweynaha Galmudug uu sidaasi dalbaday.
Shirkani oo 17-kii bishan lagu shaaciyay war-saxaafadeed ka soo baxay shir aaladda Zoom ay ku yeesheen madaxda maamul goboleedyada ayaa waxaa laga reebay rw Rooble, arrintaasi oo dad badan ay la xiriirinayeen go’aan ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya oo awooddiisa fulinta looga xayuubiyay ra’iisal wasaare Rooble.
Home Wararka Soomaaliya Maxay tahay sababta uu u baaqday shirkii dowlad goboleedyada Soomaaliya ee Garoowe?