In ka badan 6,000 oo kiis oo lagu dhameeyay heshiis ka baxsan maxkamadda

0
332

Madaxa cadaaladda ee dalka Martha Koome ayaa soo jeedisay in sare loo qaado adeegsiga qaabka wada xaajoodka ku saleysan ee dacwadaha kala duwan lagu soo gabagabeeyo iyadoo aan loo marin maxkamadaha wadanka.
Waxay shaacisay in ilaa iyo hadda ugu yaraan 6,000 oo dacwadood laga heshiiyay tani oo suurtagelisay in aan la isticmaalin 16 bilyan oo shilin oo ku bixi lahayd kiisaskan hadii maxkamaduhu ay dhageysan lahayeen.
Mrs. Koome ayaa carrabka ku adkeysay inay aad muhiim u tahay in xal laga gaaro khilaafka arrimaha qoyska ka hor inta aan maxkamad la tiigsan.
Madaxa cadaaladda ee dalka ayaa dhanka kale sheegtay in maxkamadaha wadanka ay ilaalin doonaan sinnaanta jinsiyadeed.