Golaha ammaanka oo xaaladda Soomaaliya war ka soo saaray

0
410

Xubnaha Golaha Amaanka ayaa warbixin ku saabsan xaaladda Soomaaliya ka dhageystay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud QM.
Xubnaha Golaha Amaanku waxay walaac xooggan ka muujiyeen khilaafka ka dhex taagan madaxda sare ee Dowladda Soomaaliya iyo saameeynta taban ee uu ku yeelan karo jadwalka geedi-socodka doorashada. Waxayna ku boorriyeen dhammaan saamilleyda inay isxakameeyaan, iyagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.
Xubnaha Golaha Amaanku waxay ku boorriyeen dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan wadahadal ku saabsan danta Soomaaliya ayna hortabinta siiyaan qabsoomidda doorasho daah-furan, lagu kalsoonaan karo, loo dhan yahay, oo ku dhacda waqtigii lagu heshiiyey si waafaqsan heshiisyadii 17-kii Sebtembar iyo 27-kii May.
Xubnaha Golaha Amaanku waxay ku boorriyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah inay xaqiijiyaan in khilaaf kastoo siyaasadeed uusan ka weecin tallaabooyinkooda wadajirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee mintidiinta ah.
Xubnaha Golaha Amaanku waxay mar kale carrabka ku adkeeyeen xurmada ay u hayaan gobanimada, madax-bannaanida siyaasadeed, tan dhuleed iyo midnimada Soomaaliya.