Shirkii uu iclaamiyay MD Farmaajo oo baaqday

0
510

Waxaa baaqday shirkii amniga ee maanta lagu waday inuu magaalada Muqdisho ka furmo.
Qoraal uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay agaasimaha warfaafinta madaxttooyada, Cabdirashiid Maxamad Xaashi ayaa sheegay in shirkii guddiga amniga qaranka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hore u iclaamiyay MD Maxamad Cabdullaahi Farmaajo dib loo dhigay.
Qoraalka ayaa intaa ku daray in dib laga soo sheegi doono xilliga ugu habboon ee uu qabsoomi karo.