Milliteriga Guinea oo diiday in madaxweynihii xukunka laga tuuray uu dalkaasi ka baxo

0
567

Militariga dalka Guinea ayaa sheegay in madaxweynihii hore xilka laga tuuray Alpha Conde aan loo ogolaan doonin inuu ka baxo wadankaasi ka dib afgambigii dhacay horraantii bishaan.
Hadalka miltiriga ayaa yimid ka dib markii guddoomiyaha uruur goboleedka galbeedka Afrika ee ECOWAS ahna madaxweynaha dalka Ghana Nana Akufo-Addo, iyo dhiggiisa Ivory Coast, Alassane Ouattaraay kulan kula yeesheen caasimadda dalka Guinea ee Conakry sarkaalkii hoggaaminayay afgembingii ka dhacay wadankaasi Korneyl Mamady Doumbouya.
Mr. Conde aya xiran tan iyo markii xukunka laga tuuray 5 -tii bishan ka dib in ka badan 10 sano oo uu xukunka hayay.