Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Militariga Myanmar oo talada dalkaas la wareegay

Militariga Myanmar oo talada dalkaas la wareegay

Ciidamada Militariga ee dalka Myanmar ayaa bayaan uu soo saaray ku shaaciyay xaalad degdeg ah oo wadankaas sida ugu dhaqsiyaha badan uga dhaqangalayso.
Waxaa qoraalka ku cad in Myanmar ay xaaladdan oo mid heer qaran ah ku jiri doonto muddo hal sano ah.
Tani ayaa timid ka dib markii ciidamada qalabka sida ee Myanmar ay la wareegeen hoggaanka wadankaas .
Sidoo kale waxay gacanta ku dhigeen saraakiil sar sare oo ay ka mid tahay Aung San Suu Kyi.
Militariga ayaa tallaabooyinkan qaaday isagoo ka falcelinaya wax isdaba marino la sheegay inay dhaceen xilligii doorashada ee bishii 11-aad ee sanadkii hore.
Muuqaal uu baahiyay telefishinka militariga Myanmar ayaa lagu sheegay in hoggaanka wadankaas loo gacan geliyay taliyaha guud ee ciidamada difaaca Min Aung Hlaing.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments