Diyaaradii uu saarnaa Fahad Yassiin oo dib loogu celinayo Turkiga

0
483

Maxamed Cali Yuusuf , Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti ayaa sheegay in dhmaan rakaabkii saarnaa Diyaaradda Turkish Airweys dib loogu celinayo dalka Turkiga.
Diyaaradaas oo wada dad farabadan ayaa waxaa dadkaasi ka mid ahaa la-taliyaha dhinaca Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir kaas oo ku wajahnaa magaalada Muqdisho.
Qoraal uu Bartiisa Twitter-ka soo dhigay Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf ayaa waxaa uu ku yiri” Dhammaan rakaabkii saarnaa diyaaraddii Turkiga ee Muqdisho maanta waxay dib ugu laaban doonaan Istanbul si ay u bilaabaan duulimaad kale oo Muqdisho ah.
Sidoo kale wasiirka waxaa uu sheegay in warar aan waxba kajirin lagu faafiyay Baraha Bulshada, sidoo kalena khalalaasaha ka jira Soomaaliyaa doonayo in loo soo wareejiyo dalkooda Jabuuti.