Wasiirka arrimaha dibedda ee Netherlands oo is casishay

0
533

Wasiirkii arrimaha dibedda ee dalka Netherlands Sigrid Kaag ayaa is casishay ka dib markii aqalka hoose ee baarlamaanka uu meel mariyay mooshin cambaareyn oo ka dhan ah dowladda, taasi oo ku aaddan sida ay u maareysay daad -gureynta shacabka u dhashay dalkaasi ee ku sugnaa dalka Afghanistan ka dib markii ay kooxda Taalibaan la wareegeen xukunka wadankaasi.
Kaag ayaa ahayd wasiir ka tirsan xukuumadda ku meel gaarka ee ra’iisul wasaare Mark Rutte.
Haweeneydan ayaa sidoo kale ah hoggaamiyaha xisbiga D66 waxayna si dhow qayb uga ahayd wada xaajood lagu doonayo in lagu dhiso isbahaysi cusub oo talada wadankaasi haya ka dib doorashadii guud ee dhacday bishii Saddexaad ee sanadkan..
Waxaa ay sheegtay in go’aanka baarlamaanka ka dib ay go’aansatay inay mas’uuliyadda la xiriirta gaabadka dhanka dowladda dusha saarato maadaama wasaaradda ay hoggaamiso ay si gaar ah ugu xil saaran tahay arrimaha daadgureynta.