ECOWAS oo xayiraad saartay militariga Guinea

0
430

Jaaliyadda dhaqaale ee wadamada galbeedka Afrika ee loo yaqaano ECOWAS ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay maamulka militariga dalka Guinea ee dhawaan talada ka afgembiyay madaxweyne Alpha Conde.
Xayiraaddan mid la mid ah ayaa sidoo kale la dul dhigay cid kasta oo caqabad ku ah hor u socodka maamuleed ee wadanka Mali ka dib afgembigii ka dhacay.
Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay kuwii ugu adkaa ee ay jaaliyadda ECOWAS kaga falcelisay in militariga qaar ka mid ah dowladaha galbeedka qaaradda Afrika ay xukunka kula waregeen qaab awood ah.