Maamul goboleedyada oo war ka soo saaray xaaladda dalka Soomaaliya

0
478

Madaxda shanta Maamul Goboleed ee Soomaaliya ayaa xaaladda wadanka iyo khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’i’sul Wasaaraha ka soo saaray war-saxaafadeed wadajir ah, kaddib markii ay iskugu yimaadeen shir aalada fogaan-arag ah lagu qabtay.
Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa qodobadiisa waxaa ka mid ahaa.
Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Puntland, Koonfur Galbeed, Jubaland, Galmudug iyo Hirshabelle ee kala ah Saciid Cabdullaahi Deni,Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Axmed Maxamed Islaan, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa caawa waxay khadka telefoonka uga wada hadleen xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Dalka Soomaaliya.
Madaxweynayaasha maamul goboleedyadu waxay sheegeen inay ka xun yihiin khilaafka soo noq noqonaya ee hay’adaha Federaalka Soomaaliya oo ah mid aan u adeegeyn danta Qaranka, horseedi karana xasilooni darro amni iyo dib u dhac dowladnimada Soomaaliya ee xiliga kala guurka ah. Sidaa darteed, Madaxda weynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah waxay soo jeedinayaan qodobada soo socda:
1. In dhammaan wixii khilaafaad ah lagu xaliyo tubta wada hadalka, lana joojiyo qoraalada sii fogeynaya xal u helista khilaafka. Sidoo kalena, la tixgeliyo ku dhaqanka Dastuurka Kumeel gaarka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
2. In la ixtiraamo, laguna dhaqmo heshiisyadii ay horey u gaareen Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee 17 September 2020, 27 May 2021 iyo 22 August 2021. Lana sii xoojiyo wada shaqeyntii guulaha lagu gaarey ee u dhaxeysa Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee lagu fududeynayo qabsoomidda doorashada Dalka.
3. In Xaaladda baaritaanka Sarkaalad Ikraan Tahliil Faarax loo maro hannaanka Qaanuunka Dalka, iyadoo loo madax banaynayo hay’adaha ku shaqada leh.
4. Madaxweynayaashu waxay ugu baaqayaan Guddiyada Farsamo ee hirgelinta doorashada ee labada heer (FEIET iyo SIEIT) in ay waajibaadkooda u gutaan si waafaqsan habraacyada doorashada ee la saxiixay 22 August 2021.
5. Madaxweynayaashu waxay Ummadda Soomaaliyeed guud ahaan ugu baaqayaan in laga wada qayb qaato xasiloonida iyo in Dalka ay ka dhacdo doorasho hufan oo nabad ah si Dalku u helo horumar dhinac kasta ah.
6. Madaxweynayaashu waxay Beesha Caalamka ka codsanayaan inay dadajiyaan taageerada farsamo iyo dhaqaale ee hirgelinta doorashada.
7. Ugu dambeyn, Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxay shir isugu imaanayaan Magaalada Garowe 21 – 23 September 2021 si ay uga arrinsadaan dardargelinta qabsoomidda doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladda Dalka Soomaaliya ww xiligaan.
Bayaanka ka soo baxay madaxda maamul goboleedyada Soomaaliyeed ayaa ku soo aadaya ayadoo xalay waraqad ka soo abxday xafiiska madaxweynaha lagu dhimay awooda ra’isulwasaaraha halka warqad kala oo ka soo baxday xafiiska ra’isulwasaarahana waxba kama jiraan looga soo qaaday awood dhimistaas.