Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in dhinacyadii Maanta ku dagaalamay magaalada Muqdisho ay ahaayeen laba maleeshiyo beeleed oo isku qabsaday dhul ku yaal agagaarka Isgoyska Banaadir aysana ka mid ahayn ciidamada dowlada Soomaaliya.
Afhayeenka oo Warbaahinta kula hadlay Goobta lagu dagaalamay ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay ku baxeen dhinacyadii dagaalamay, sidoo kalena dhulka lagu dagaalamay ay dacwadiisu taallo Maxkamadda Gobolka Banaadir.
Sidoo kale waxaa uu afhayeenka booliska Soomaaliyeed uu tilmaamay inay Ciidamada Booliska gacanta ku hayaan dhulkii lagu dagaalamay, si loo sugo amniga dadweynaha iyo goobaha Ganacsiga,sidoo kale ay jiraan dad ku dhintay iyo kuwo dhacdadaas ku dhaawacmay.