Madaxweynaha Filibiin oo aan garab siin doonin dacwadda ICC

0
401

Qareen matalaya madaxweynaha wadanka Filibiin Rodrigo Duterte ayaa sheegay in hoggaamiyaha dalkaasi uunan si dhow garab u siin doonin dacwadda maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da taaso ku saabsan ka falcelinta maamulkiisa ee daroogada.
Maxkamadda ayaa baaritaan ku hayso sida dowladda Filibiin ay ula dagaalantay ka ganacsiga maandooriyaha.
Tani ayaa timid ka dib markii madaxweyne Rodrigo lagu eedeyay inuu gacan ka gaystay dilal badan oo dhacay iyadoo lagu andacoonaya in daroogo lala dagaalamaya.
Qaar ka mid ah ah hay’adaha u dooda xuquuqul aadanaha ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ee Filibiin ay dileen tobanaan kun oo qof taasoo lagu tilmaamay weerar sharci darro oo ka dhan ah shacabka.
Qareenka madaxweynaha Filibiin, Salvador Panelo ayaa ku doodaya in maxkamadda ICC aynan lahayn awood sharciyeed oo ay baaritaano uga sameyn karto gudaha wadankaasi.