Taalibaan oo beenisay in mid ka mid ah hoggaamiyaasheeda uu dhintay

0
544

Kooxda Taalibaan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay wararka sheegaya inuu dhintay mid ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka ku meel gaarka ah ee ay dhawaan magacawday.
Tani ayaa timid ka dib markii la sheegay in Mullah Cabdul Ghani Baradar lagu dilay is-rasaaseyn dhex martay kooxo iska soo horjeeda oo ka wada tirsan kooxda.
Afhayeen u hadlay Taalibaan oo lagu magacaabo Sulail Shaheen ayaa sheegay inuu nool yahay Mullah oo horay ahaa madaxii xafiiska arrimaha siyaasadda dhawaana laga dhigay ra’iisul wasaare ku xigeen.
Cod uu soo duubay ayuu ku xaqiijiyay in aan la dilin ama lagu dhaawicin iskudhaca.
Sidoo kale qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka ayuu ku sheegay in wararka la faafiyay ay yihiin kuwo been abuur oo aan loo meel dayin.
Jawaabta Taalibaan ayaa ku soo beegantay xilli shacabka Afghanistan ay su’aal geliyeen halka uu jiro Baradar oo aan goob fagaaro ah ka soo muuqan.