Afghanistan oo loogu deeqaya 1 bilyan oo doolar

0
421

Deeq bixiyayaasha caalamka ayaa ballanqaaday inay dowladda dalka Afghanistan siin doonaan ugu yaraan hal bilyan oo doolar.
Dhaqaalahan ayaa looga gol-leeyahay in wax looga qabto xaaladda nololeed ee halkaasi ka jirtay tan iyo markii ay kooxda Taalibaan bishii hore la wareegtay maamulka wadankaasi.
Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa shir ka dhacay magaalada Geneva ee dalka Switzerland ka sheegay in jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ay horay u codsatay taageero dhan 606 milyan oo doolar.
Waxaa uu tilmaamay in xoogga la saari doono la tacaalidda baahiyaha ugu waawayn ee haysta shacabka Afghanistan oo ay ugu daran tahay saboolnimada.