Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa la kulmay xubno ka tirsan Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Federaal ee loo xilsaaray doorashooyinka Soomaaliya.
Xubnaha Guddiga ayaa Warbixin ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha halka ay marayaan howlaha Doorashada iyo caqabadaha ka gadaaman horay u socodka doorashada Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya inuu Ra’iisul Wasaaruhu ka jawaabay codsiyo la xiriira sidii loo dardargelin lahaa howlaha doorashooyinka oo ay gudigu u soo gudbiyeen.
Rw Rooble ayaa uga mahad celiyay Xubnaha Guddiga sida ay ku wadaan howlaha doorashooyinka socda, waxaana uu kula dardaarmay inay dardar geliyaan doorashooyinka dhiman ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Xukuumadda Soomaaliya oo loo xilsaaray qabashada doorashooyinka ayaa dhowr mar sheegtay inay qaban doonto doorashooyin xor iyo xalaal ah oo lagu wada qanacsan yahay