Ra’isulwasaaraha maamulka Israel Naftali Bennett ayaa la kulmay hogaamiyaha dalka Masar C/fataax AL-siisi waxayna ka wadahadlayaan arimo la xiriira khilaafka soo jireenka ah ee falastiiniyiinta iyo Israel safarkiisii ugu horeeyay ee rasmi ah oo hogaamiye Israel ku yimaado dalka Masar.
Bennett, oo ah madaxa xisbiga midigta fog ee Yamina xilkana qabtay bishii Juun ee sanadkaan ayaa lagu wadaa inuu madaxweynaha dalka Masar kula kulmo magaalo xeebeeda badda case ee Sharm el-Sheikh oo ku taal cirifka koonfureed ee gacanka Sinai.
Wahada hadaladaan ayaa la filayaa inay diirada ku saaraan dariiqooyinka dib loogu soo noolayn karo geedi socodka nabada bariga dhexe ee Falastiin iyo Israel sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada dalka Masar.
Labadaan hogaamiye ayaa sidoo kale la filayaan inay ka wada hadlaan arimaha gobolka oo ay ku jiraan saamaynta Iran ee bariga dhexe iyo qalalaahasaha siyaasadeed ee dalka Lebanon sida ay Diblomaasiyiin sheegeen.
Xaalada kacsan eek a jirta marinka Qaza ayay u badan tahay inay noqoto meesha ugu sarreysa ajandaha kulanka Isniinta maanta ah ay yeelanayaan madaxweynaha masar iyo ra’isulwasaaraha Israel.
Dadaalada dhexdhexaadinta ee ay samaysay xukuumada Qaahira kadib weerarkii 11-ka maalmood socday ee israa’iil ku qaaday bishii may ee sanadkaan marinka Qaza ayaa horseeday xabad joojin wallow Colaaddaas ay ku dhinteen in ka badan 260 Falastiiniyiin ah iyo sidoo kale 13 qof oo Israa’iil ah.