Dadka reer Afghanistan oo alaabahooda iibinayo dhaqaale xuma jirta awgeed

0
470

Ka dib lacag la’aan baahsan oo saamayn weyn ku yeelatay dalka Afghanistan shacabka wadankaasi ayaa waxay iibinayaan agabyada kala duwan ee guryaha loo siticmaalo si ay u helaan lacag ay noloshooda ku maareeyaan.
Shacabka Afghanistaan ayaa wajahaya dhibaato dhaqaale tan iyo markii caasimada dalkaas ee magaalada Kabul ay 15 bishii hore ee Ogoosto la wareegeen dagaalyahanada Taalibaan.
Arintaan Ayaa ku soo aadaysa iyadoo Bankiga aduunka,hay’adaha lacagta aduunka ee IMF iyo bankiga dhexe ee dowlada Maraykanka ay toddobaadyadii la soo dhaafay jareen wadashaqayntii kala dhexaysay Afghanistan gaar ahaan dhanka helitaanka lacagaha caalamiga ah,waxaa sidoo kale la xiray dhamaan bankiyadii gudaha Afghanistan ku yaalay sidoo kale shirkadaha gaarka loo leeyahay Ayaan wax lacag ah bixinayn.
In kastoo ay bangiyo badani dib u fureen xarumahooda, haddana xaddiga bixitaanka lacagaha ee toddobaadlaha ah ayaa lagu sheegay 20,000 oo lacagta Afghanistan ah una dhiganta ($ 232) ,boqolaal dad ah ayaana saacadkasta dhooban banaanka hore ee bankiyada dalkaas kuwaasoo sugaya fursad ay lacag ugala baxaan.
Xitaa intii uusan dalkaas isaga bixin madaxweyne Ashraf Ghani oo aysan Taalibaan la wareegin ayuu dhaqaale xumi wadanku wajahayay balse xaalada ayaa sii xumaanaysay,waxaana arinta sii daray aafada covid 19 ee aduunka saamaysay iyo abaarta daba dheeraatay oo sii burburisay dhaqaalaha Afghanistan oo beeraha ku tiirsanaa.
Warbixin ay todobaadkii hore soo saartay QM ayaa looga digay in ka badan 97 boqolkiiba shacabka dalka Afghanistan ay gaajo daran wajihi karaan ilaa sanadka 2022.
Isniinta maanta ah shir heerkiisu sareeyo oo dhanka binu aadanimada ah ayaa ka dhacay magaalada Geneva ee dalka Switzerland Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaana isku dayay inuu uruuriyo dhaqaale gaaraya 600 booqol oo Milyan oo sadex meelood meel ka mid ah gargaarka dhanka cunada ah lagu wajahayo.
Hay’adaha caalamiga ah ayaa horay walaac xooggan uga muujiyay xiisada dhaqaale iyo burburka xooggan ee ku wajahan dhaqaalaha Afghanistan.