Xildhibaannada baarlamaanka dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa lagu wadaa Maanta inay dhageystaan khudbadaha musharrixiinta Aqalka Sare.
Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle ayaa shalay soo gaba-gabeeyeen diiwaangelinta 27 musharax, kuwaas oo isugu jira rag iyo haween, islamarkaana ku tartami doona 8 kursi ee Maamulka Hir-Shabeelle ku matalaya Aqalka Sare
Liiska Musharrixiinta Aqalka Sare ee uu markii hore soo saaray Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay gaarayeen 34 Xubnood, balse 7 kamid ah ay tartanka isaga hareen.
Laba kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee doorashadooda ka dhaceyso Magaalada Jowhar ayaa aad u adag, waxaana haatan difaacanaya oo ku fadhiya Muuse Suudi Yalaxoow iyo Dr Cusmaan Maxamuud Dufle.
Berri ayaa la filayaa in Xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Jowhar inay ka dhacdo doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare, iyada oo amniga si weyn loo adkeeyay.