“Waxaan qaramada midoobay u sheegaya inaanan ka laba labayn doonin dadaallada aan cadaaladda ugu raadinayo Ikraan Tahliil”

0
504

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa wafdiga ka socda Qaramada midoobay ee maanta tagay Muqdisho u sheegay inuunan ka laba labayn doonin dadaallada uu cadaalada ugu raadinayo Ikraan Tahliil.
“Mowqifkaygu mabda’iyan waxa uu yahay in kiiska Ikraan uu helo baaritaan lagu kalsoon yahay oo madax bannaan iyo in dhammaan caqabadaha hortaagan in caddaalad loo helo Ikraan iyo qoyskeeda meesha laga saaro”
Waxaa uu sidoo kale sheegay in uu wado dadaallo kala duwan oo ku aadan sidii looga hortaggi lahaa in uu sii faafo khilaafka ka dhex taagan asaga iyo Madaxweyne Farmaajo.
Rw Rooble ayaa adkeeyay in kiiska ikraan aan la siyaasadeyn ee kaliya loo arko xaq uu leeyahay muwaadin Soomaaliyeed oo ay tahay in isku aragti laga ahaado.