Waxaa xalay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool lagu dilay Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Deegaankaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdirisaaq Axmed Cilmi, iyadoo dadkii ka dAmbeeyay dilka Xildhibaankaas ay goobta isaga baxsadeen.
Rag hubeysan ayaa lagu soo warramayaa inay toogteen Xildhibaanka oo ka mid ahaa Golaha deegaanka ee dhawaan la doortay.
Waxaa ay goob joogayaal sheegeen in meel u dhow gurigiisa lagu dilay..
Dad ka careysnaa dilka xildhibaanka ayaa bamaanbax ka dhigeen bartamaha Magaalada Laascaanood, iyagoo dalbanayay in cadaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyay dilkaas.
Qaar kamid ah banaanbaxayaasha oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maalin walba Magaaladaasi lagu dilo dadka haldoorka u ah Bulshada deegaanka, islamarkaana Maamulka Magaalada iyo laamaha Amniga aysan wax tallaabo qaadin.
Dhanka kale Ciidamada Booliska Soomaaliland ayaa Magaalada Laascaanood ka sameeyeen howlgallo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay dilka Xildhibaanka ka tirsanaa Golaha deegaankaasi ee Gobolka Sool.
Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa muddo Saddex Bilood gudahood ah waxaa lagu dilay dad kala duwan.
Waxaa ilaa iyo hadda laamaha amniga aysan gacanta ku dhigin dadkii ka dambeeyay dilalkaas soo la laabtay.