Maxaa dib ugu soo celiyay Galmudug madaxdii Ahlu Sunna ee dagaalka looga saaray Dhuusamareeb?

0
545

Waxaa maanta magaalada Guriceel gaaray Sheekh Maxamad Shaakir, madaxii xukuumadii hore ee Galmudug, sidoo kalena ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii ururka Ahlusunna.
Shaakir ayaa deegaanka ka maqnaa tan iyo bishii Saddexaad ee sanadkii hore, ka dib dagaal ciidamada Galmudug iyo xooggagii Ahlu Sunna ku dhexmaray Dhuusamareeb.
Waxaa sidoo kale lagu wadaa in Macallin Maxamuud, hoggaamiyaha guud ee Ahlu Sunna uu isna dhawaan ku wajahan yahay magaalada Gaalkacyo.
Labada mas’uul ayaa Galmudug ka baxay ka dib dagaal dhiig uu ku daatay oo ka dhacay Dhuusamareeb, waxaana markaa ka dib Meesha ka baxay ciidankii awoodda lahaa ee Ahlu Sunna.
Lama oga sababta rasmiga ah ee ay labadan hoggaamiye hadda ugu soo laabteen Galmudug, xilli doorashada Soomaaliya ay marayso meel xasaasi ah.
Ciidamada Galmudug oo kaashanaya kuwa Federaalka ayaa dhawaan waday duulaan ka dhan ah Al-Shabaab oo ku sugan deegaanno ka tirsan maamulkaas.