Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Maxamad Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in ay kulmaan Saacaddaha soo socda sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah kooxaha dhexdhexaadinta wada.
Kulanka ayaa diiradda lagu saari doonnaa maamulka laamaha Amniga gaar ahaan booliska iyo hay’adda nabad sugida.
MD Farmaajo ayaa lagu soo warramayaa in uu wali ku adkeysanaayo maamulka laamaha Amniga halka uu diidan yahay arrintaasi Rw Rooble.
Labada Madaxweyne ee maamul goboleed ee waan waanta wada ayaa dhankooda sheegay in ay qabaan rajo wanaagsan oo ku saabsan soo afjarida khilaafka labada dhinac.