Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Wasiirka dowlad wadaajinta oo baaq u diray siyaasiyiinta jago raadiska ah

DHAGEYSO:Wasiirka dowlad wadaajinta oo baaq u diray siyaasiyiinta jago raadiska ah

Wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta ee dalka Mr. Eugene Wamalwa ayaa siyaasiyiinta ka codsaday inay joojiyaan ololaha siyaasadeed ee ku aaddan doorashada 2022-ka ee ay xilli hore guda galeen.
Waxaa uu sheegay in la joogo xilligii loo adeegi lahaa shacabka iyadoo la fulinaya ballanqaadyadii 2017-kii.
Wasiirka ayaa arrin nasiib darro ah ku tilmaamay in siyaasiyiinta ay diiradda saarayaan ololaha ay ugu jiraan xilalka kala duwan ee hoggaanka sidii iyadoo ay dhawaan doorasho dhacayso.
Waxaa uu madaxda kala duwan xusuusiyay in codeynta guud ay naga xigto qiyaastii 18 bilood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments