Puntland oo soo bandhigtay qaar ka mid ah raggii weerarray xabsiga Boosaaso

0
577

Maamul goboleedka Soomaaliyeed Puntland ayaa soo bandhigtay Xubno ka mid ah dagaalamayaashii Alshabaab ee weeraray xabsiga magaalada Boosaaso iyo qaar kamid ah maxaabiistii Alshabab ee Xabsiga ka baxsaday kuwaasoo lasoo qabta.
Maxaabiista lasoo bandhigay oo bixinaya wareysiyo kala duwan ayaa ka sheekeeyay sidii loosoo qorsheeyay weerarkii Alshabaab kula wareegeen xabsiga Boosaaso, halkaasoo ay kala baxeen boqolaal maxaabiis iyaga ka tirsanaa.
Maxaabiista waxay sheegeen in sababaha fududeeyay weerarka xabsiga ay qeyb ka ahayd kadib markii sida ay warbaahinta gudaha Soomaaliya daabacday maxaabiista Alshabaab loo oggolaaday isticmaalka taleefoonada, taasoo u sahashay inay si toos ah ula socdaan dhaqdhaqaaqa xabsiga.
Xogaha ay maxaabiista bixiyeen sida warbaahinta gudaha Soomaaliya sheegayso waxaa kamid ah, inay Alshabaab bil walba lacag dhan kun dollar usoo diri jirtay maxaabiista kaga xiran xabsiga Bosaso, waxaana laacagtaas la sheegay in lagu hagaajin jiray sarkaal katirsan maamulka xabsiga oo kadibna lacagta u kala qeybin jiray maxaabiista, sida ay sheegeen qaar kamid ah maxaabiista la wareysnayay ee laamaha amaanka puntland gacanta ku dhigeen.
Wareysiga laga qaaday mid kamid ah maxaabiista wuxuu sheegay, in Nin lagu magacaabo Mukhtaar oo katirsanaa maxaabiista Ashabaab ee xabsiga Bosaso ku xirnaa,ay si toos ah ula soo xiriiri jireen Alshabaab, iyagoo markii dambe u sheegay inay xabsiga soo wareeri karaan sida warbaahinta guduhu sheegtay.
Weerarkii xabsiga Boosaaso ayaa kamid ahaa weeraradii ugu xoogganaa ee Alshabaab ay ka geystaan deegaanada maamulka Puntland, waxaana u suurto gashay inay la baxaan saraakiil muhiim ah oo muddo dheer xabsiga uga xirnaa iyo kuwa dil sugayaal ah.